Home Wararka Maanta Falastiin oo dil ka geystay bartamaha Tel Aviv

Falastiin oo dil ka geystay bartamaha Tel Aviv

0

Nin Falastiini ah oo hubaysan ayaa rasaas ku furay bartamaha magaalada Tel Aviv, isagoo dilay askari ilaalo u ahaa Israa’iil ka hor inta aanu boolisku toogan ninkaas, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Weerarkan ayaa yimid maalin kadib markii dadka yuhuuda ah ee deegaanka ay weerar ku qaadeen Daanta Galbeed ee la haysto ayna ku dileen hal qof oo Falastiini ah, taasoo sii xoojisay qalalaasaha soo noqnoqday ee gobolka ka socday sanad iyo barkii la soo dhaafay.

Mas’uuliyiin ka tirsan Isbitaalka Ichilov waxay ku sheegeen waardiyaha Tel Aviv ee la dilay inuu ahaa Chen Amir oo 42 jir ah. Booliska ayaa ninka hubaysan magaciisa ku sheegay Kamel Abu Bakar oo 27 jir ah, kana soo jeeday tuulo u dhow magaalada e Jenin ee waqooyiga daanta galbeed.

Xerada qaxootiga ee Jenin bishii hore waxay ahayd goobtii uu ka dhacay weerarkii ugu weynaa ee Israa’iil ku qaado Daanta Galbeed muddo ku dhow labaatan sano. 12 falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan ugu yaraan 8 dagaalyahan iyo hal askari oo Israa’iili ah ayaa lagu dilay dagaalka, kaasoo sidoo kale kumannaan qof ku qasbay in ay ka cararaan guryahoodii, waxaana burburay qeybo badan oo ka mid ah xerada.

Bilayska lsraeli ayaa sheegay in Amir iyo sarkaal kale ay ogaadeen Bakar, oo ay rumaysteen inuu u dhaqmayo si shaki ah, ayna u soo dhawaadeen. balse Bakar ayaa markaas furay rasaas, oo uu si xun u dhaawacay Amiir oo halkaas ku dhintay. Dabagal gaaban ka dib, askari kormeere ah ayaa toogtay Bakar.

Labada Amir iyo Bakar ayaa markii dambe ku dhintay Isbitaalka Ichilov, sida ay sheegeen saraakiisha isbitaalka. Amir ayaa guursaday wuxuuna lahaa saddex gabdhood, sida ay sheegeen saraakiisha isbitaalka.

Fiidiyow ah lagu faafiyay khadka internetka ee Bakr isagoo wacad ku maray in iska caabinta hubaysan ay tahay “dariiqa keliya. ee u furan qof walba oo Fasalstiini ah” Hay’adda amniga gudaha ee Israa’iil ayaa sheegtay in Bakar la raadinayey lixdii bilood ee la soo dhaafay.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo taliyaha booliiska Kobi Shabtai ayaa ku ammaanay booliiska Tel Aviv sida ay uga hortageen weerar ka sii daran.

“Ciidamadeena ammaanku waxay ka hortagi doonaan dhammaan kuwa doonaya inay na waxyeelleeyaan,” Netanyahu ayaa ku yiri hadal uu soo saaray caawa.

Kooxaha Falastiiniyiinta ee Xamaas iyo Islamic Jihad ayaa labaduba soo saaray bayaan ay ku ammaanayaan weerarka.

Ad
Previous articleKooxda Taalibaan oo Amar Layaab leh Siisay Ciidamadooda
Next articleAadan Madoobe oo magacaabay xubnaha golaha Shacabka uga mid noqonaya Baarlamaannada Afrika, Carribean, Pacific iyo Midowga Baarlamaanada Yurub

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here