Home Wararka Somaliya Kooxda Shabaab oo ka hadashey Weerarka lagu qaaday Hoteel Afrik

Kooxda Shabaab oo ka hadashey Weerarka lagu qaaday Hoteel Afrik

0

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa sheegtay Qaraxyo iyo weerar toos ah oo caawa ka socda Hoteelka Afrik ee Magaalada Muqdisho.

War Al-shabaab ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayay ku sheegteen mas’uuliyadda Qarax dhacay iyo dagaalka socda, waxaana ay sheegeen in wali is-rasaaseyn xooggan ay ka wadaan gudaha Hoteelka, iyagoo intaas ay ku daray in mas’uuliyiin katirsan Dowladda ay ku sugnaayeen Hoteelka la bartilmaameedsaday.

Wali waxaa socda dagaal xooggan oo u dhexeeya Ciidanka Dowladda iyo dableydii weerarka soo qaadday, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayayaan in wali howlgal uu ka socdo gudaha hoteelka.

Qaraxa waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac, waxaana ilaa hadda aan la xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi qaraxyada ku billawday, waxaan goobta soo buux dhaafiyay Ciidan farabadan oo Dowladda ka tirsan, iyayoo sidoo kale ay goobta ku sugan yihiin Ciidanka sida gaarka ah u tababarane ee Haramcad.

Ad
Previous articleGeneraal Indhacade iyo Saraakii kale oo laga soo badbaadiyay Weerarka Hotel Afrik
Next articleMagacyada Dadkii ku dhintay Qaraxii iyo Weerarka Hotel Afriik oo la shaaciyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here