Home Wararka Maanta Kooxda Shabaab oo goob Fagaaro ah ku toogtay 5 Qof

Kooxda Shabaab oo goob Fagaaro ah ku toogtay 5 Qof

0

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa fagaaro ku yaalla degmada Jilib ee Gobolka  Jubbada Dhexe waxaa ay ku toogteen Shan ruux oo ay u jeediyeen Eedeymo  kala duwan iyo inay la Shaqeynayeen dowlado Shisheeye

Dadka la toogtay oo dhamaantood rag ahaa ayaa waxaa goobta lagu toognayay ku sugnaa qaar kamid ah Shacabka degmada Jilib oo ay Al-Shabaab ku amreen inay daawadaan.

Dadka ay Al-Shabaab ku toogteen fagaaro ku yaal degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxaa ay badankood ku eedeeyeen inay ku lug lahaayeen qorshayaal lagu duqeeyay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab, lana qabtay , iyaga oo hagaya diyaaradaha Drone-ka, waxaana dadka la toogtay ay kala yihiin.

1: Abuukar Xasan Maxamed oo ay Al-Shabaab sheegeen in uu qirtay in uu wada-shaqeyn la lahaa hay’adda CIA-da Mareykanka.

2: Xasan Maxamuud Maxamed (Xasan dheere ) oo ay ku eedeeyeen in uu la Shaqeynayay hay’adda CIA-da Mareykanka.

3: Mahad Cabduqaadir Aadan oo loo yaqaanay  Mahad Qaadoole ayay Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu Shaqeynayay hay’adda CIA-da Mareykanka..

4: Axmed Cabdi Cabdullaahi Salmaan oo ay Shabaab sheegeen in uu basaas u ahaa hay’adda CIA-da Mareykanka.

5: Macalin Abuukar Maxamed Calasow oo ahaa Nin Oday ah oo jiray da’ada 63, kaas oo ay ku eedeeyeen in uu basaas u ahaa hay’adda CIA-da Mareykanka.

Al-Shabaab ayaa horay waxaa meelo kamid ah Soomaaliya ku toogteen dad ay ku eedeeyeen inay la Shaqeynayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladaha taageera, kuwaas oo ay ka qabteen degaannada ay maamulaan.

Muqdisho oo Laga Ambabixiyay Ciidan ka tirsan Booliska oo ku Wajahan Jiidaha Dagaalka:- Sawiro

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed ayaa Magaalada Muqdisho ka sagootiyey Ciidamo Boliiska katirsan oo ku

Madaxweyne Xasan Shiikh oo la kulmay hogaanka howlgalada ciidanka Cirka ee Somaliya :- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Hoggaanka Howlgallada Ciidamada Cirka Soomaaliyeed ayaa ka dhagaystay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan

Dowlada Somaliya oo Lagu Wareejinayo Diyaaradaha Turkiga ee Bayraktar Akıncı

Somalia ayaa heli doontaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar Akıncı ee casriga ah ee Turkiga si ay uga caawiyaan Ciidanka Xoogga dalka dagaalka ka dhanka ah Alshabaab. Akıncı waxay

Lacagta Dollarka Mareykanka oo Wajaheysa Hoos u Dhicii ugu Xumaa ee Taariikhda

Dollarka Mareykanka ayaa wajahaya hoos u dhicii ugu xumaa tan iyo sanaddii 2008-da, iyadoo ay sii kordhayso welwelka ku saabsan in siyaasadaha dhaqaalaha iyo arrimaha dibadda ee aan la saadaalin

Dowlada Mareykanka oo Sabab u Noqotay Xil ka badelka lagu Sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn iyo is beddel ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa Wasiiradda, waxa uuna xilka ka qaaday kana saaray meesha labo Wasiir,
Ad
Previous articleDhageyso:- Ex Madaxweyne Xasan Sheekh oo dowladda uga digay in la carqaladeeyo banaanbaxa
Next articleMaxkamada Ciidamada oo sii Daysay Shaqsiyaad Loo haysto dilka Gudoomiye dhagajuun