Home Wararka Maanta Koox ciyaal weero ah oo wiil 12 sano jir ahaa ku dilay...

Koox ciyaal weero ah oo wiil 12 sano jir ahaa ku dilay Magaalada Muqdisho Xili Alshabaab u Hanjababeen

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil ay koox ciyaal weero ah xalay ka geysatay qaybo ka mid ah gudaha degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, taas oo dhalisay walaac aad u xoogan oo soo wajahay dadka deegaanka

Kooxda ciyaal weerarada ah oo ku hubeysanaa mindiyo ayaa wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Cabdirisaaq Abuukar Fiidow waxa ay ku dileen xaafadda Siliga ee Towfiiq oo ka tirsan degmadaasi, waxaana marxuumka da’diisa lagu sheegay 12 sanno jir.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in wiilka yar lagu dhuftay illaa 7 mindi, kadibna uu u geeriyooday dhiig bax, ayada oo ciyaal weerarada geysatay falkan ay baxsadeen.

“Canuga ciyaal weero ayaa dishay meeshaas ayey ku heleen, waa laga kala orday way jiiteen dar xumo ayey u dileen,” ayey tiri haweeney kamid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale maydka marxuum Cabdirisaaq ayaa waxaa la geeyay xarunta laanta dambi baarista ee CID-da, su baaritaan lagu sameeyo dhacdadaan.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi xanuunka badan.

Dilkan ayaa kusoo aadayo, xilli Al-Shabaab ay shalay ku dhawaaqday in Muqdisho ay ka bilaabeyso howlgal ka dhan ah ciyaal weerada, kadib cabasho ay sheegteen inay uga timid dadka shacabka, waxayna fartay dagaalyahanadeeda inay beegsadaaan kooxahaasi.

Ciyaal weerada ayaa haatan u muuqda inay markale kusoo laba kacleeyee Muqdisho, waxaana dhibaatooyinka ugu badan hadda laga soo warinayaa waqooyiga caasimada.

Madaxweynaha Galmudug oo booqasho ku tagay xarunta Hay’adda SoDMA

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA, waxaana xarunta ku soo dhaweeyay guddoomiyaha SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle. Madaxweynaha Galmudug

Caalamka:- Dowlada Sacudiga oo 14 Dal African ah ka joojisay Visa Cumrada

Maamulka sare ee Boqortooyada Sacuuduga, ayaa si KMG ah u hakiyay in viisooyinka cumrada, ganacsiga iyo booqashada qoysaska xilligan la siiyo dadka kasoo jeeda 14 dal , kuwaa oo kasoo

Donald Trump oo Shaaciyay Hadalo Hanjabaad ah oo ku socda Iiraan

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump, ayaa xalay shaaca ka qaaday in dowladda Iran diyaar u tahay in ay la galaan wadahadallo toos ah ay uga wada hadlayaan barnaamijka Nukliyeerka, inkastoo

Caalamka:- Microsoft oo shaqada ka joojisay gabar indhaha caalamka qabsatay

Gabar lagu magacaabo Ibtihal Abu Saad oo u dhalatay dalka Marooko oo u shaqeeysa shirkadda Microsoft, ayaa qabsatay indhaha caalamka, kaddib markii ku dhax mudaharaaday munaasabadda sannad-guurradii 50-aad ee shirkadda

Ex Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo Geerida Jeneraal Sheegow

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka inay baaritaan dhab ah ku sameeyso Geerida ku timid Jeneraal Sheegow oo in muddo ah u xirnaa Dowladda
Ad
Previous articlekursigii Xildhibaanimo ee Loo Diiday Fahad yaasiin oo Maantay Muqdisshu Lagu Dooranaayo Xili Muran Badan Uu Hareeyay Yaa kusoo Bixi Doona?
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Dagaal Kasocda Laasacaanood oo Maantay Waji kale Yeeshay