Kulanka xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa hadda ka furmay xarunta Villa Hargeysa, waxaana kooramka soo xaadiray 254 mudane oo kala ah 212 xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 42 senator oo Aqalka Sare ah.
Guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa kulanka shir guddoominaya, waxaana kulankaan cod loogu qaadayaa ansixinta dastuurka dalka.
Ad