Guddiga doorashada heer dowlad goboleed Koonfur Galbeed ayaa caawa shaaciyay doorashada 13 kursi oo dhawaan lagu qabanayo magaalada Baraawe oo ah caasimadda magac u yaalka ee Koonfur Galbeed.
Koonfur Galbeed ayaana noqotay maamulkii ugu horeeyay ee shaaciya doorasho lagu qabanayo meel ka baxsan magaalooyinka xarunta u ah kuna shaqeeyaan dowlad goboleedyada dalka.
Dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ayaa horey ugu heshiiyay in doorashada gollaha shacabka lagu qabto min labo magaalo , waxaana jira maamulada qaar oo ka caga jiidaya in doorashada ku qabtaan min labo magaalo.
Ad