Home Wararka Caalamka Koobka Aduunka oo markii ugu horeysay lagu furayo Quraanka Kariimka (Sawirro)

Koobka Aduunka oo markii ugu horeysay lagu furayo Quraanka Kariimka (Sawirro)

0

Dowlada Qatar ayaa daaciga wayn ee Dr. Zakir Naik ku casuuntay koobka kubada cagta ee adduunka oo habeen dambe ka furmaya magaalada Doha

Shiikha ayaa loogu baaqay inuu jeediyo muxaadarooyin diini ah inta lagu guda jiro Koobka Aduunka.

Dhinaca kale, Markii ugu horeysay taariikhda Koobka Aduunka ayaa lagu wadaa in lagu furo aayado ka mid ah Quraanka Kariimka.

Dawladda Qadar ayaa wiil lagu magacaabo Qanim Al Miftaa u xulatay inuu akhriyo aayadaha Quraanka Kariimka ee lagu furi doono ciyaaraha Koobka Qaramada Adduunka.

Qanim oo ah Wiil ka mida dadka baahiyaha gaarka ah qaba ayaa ah Xaafidul Quraan leh cod macaan, waxaana sidoo kale la sheegay in habeen in xaflada furitaanka ciyaaraha la hakin doono salaada cishaha awgeed, iyadoo dib loo bilaabayo salaada ka dib.

Dhinaca Kumanaan taageerayaal ah ayaa magalada Doxa ku soo bandhigey calanka Falastiin saacado kahor bilaabashada Koobka Aduunka.

Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Dibada ee Qatar ayaa sheegtay iney Koobka Aduunka ku soo bandhigi doonaan qadiyada Falastiin oo ay ku tilmaantey qadiyad xaqa oo waligeed ahaan doonta mid damiirkooda ku jirta.

Caalamka:- Microsoft oo shaqada ka joojisay gabar indhaha caalamka qabsatay

Gabar lagu magacaabo Ibtihal Abu Saad oo u dhalatay dalka Marooko oo u shaqeeysa shirkadda Microsoft, ayaa qabsatay indhaha caalamka, kaddib markii ku dhax mudaharaaday munaasabadda sannad-guurradii 50-aad ee shirkadda

Ex Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo Geerida Jeneraal Sheegow

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka inay baaritaan dhab ah ku sameeyso Geerida ku timid Jeneraal Sheegow oo in muddo ah u xirnaa Dowladda

Ehelada Jeneraal Sheegow Axmed Cali iyo xildhibaanada Jareerweyne oo beeniyay in Jananka la sumeeyay

Xildhibaanada dowladda Federaalka Soomaaliya ee kasoo jeeda beesha Jareerweyne iyo qoyska uu ka dhashay Allaha u naxariistee Jeneraal Sheegow Axmed Cali ayaa si adag u beeniyay warar been abuur ah

Jeneraal Sheegow oo ku geeriyooday Muqdisho iyo Dowladda oo war kasoo saartay

Qaar kamid ah ehelada Jeneraal Sheegow Axmed Cali ayaa warbaahinta gudaha u xaqiijiyay Geerida Jeneraalka oo in muddo ah ku xanuunsanayay isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho, waxaana uu ahaa maxbuus

Kulan Dhexmaray Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Dhigiisa Jabuuti Ismail:- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga
Ad
Previous articleNin Taksiile ku dilay Magaalada Göteborg ee Dalka Sweden oo lagu qabtay Wadan kale
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Maantay Xariga Ka Jaraaya Madaxtooyada Cusub ee Galmudug oo si Cajiob ah loo Dhisay(Sawiro)