Home Wararka Somaliya Jubbaland Kismaayo: Waa Kuma 4-ta Senator ee Isbadal-doonka usoo Baxday maanta ?

Kismaayo: Waa Kuma 4-ta Senator ee Isbadal-doonka usoo Baxday maanta ?

0

Maanta oo khamiis ah, 29-ka July 2021-ka, waxaa Kismaayo lagu doortay afar Senator oo ka tirsan isbaheysiga isbadal-doonka, waxaa muuqato in Farmaajo iyo Nabad iyo Nolol lagu jabiyey Jubbaland.

Sidee Wax u Dhaceen?

  1. Kursiga 1-aad, Ilyaas Badal Gaboose ayaa noqday Senatorkii ugu horeeyey ee la doortay baarlamaanka 11-aad ee federaalka ah ee Soomaaliya kadib markii uu ka adkaaday Maxamed Axmed Sayid. Ilyaas waxaa uu helay 55 halka ninka la tartamay uu helay 17 cod.

Ilyaas waxaa uu sidoo kale noqonayaa xubin ka tirsan isbaheysiga isbadal-doonka ee ka dhanka ah Nabad iyo Nolol.

Ilyaas Badal Gaboose , waa shakhsi aad ugu dhow madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, oo in muddo ah waxaa uu ahaa la taliyaha madaxweynaha iyo gacantiisa midig.

Waxaa uu Kismaayo ku dhashay 1963-dii, hoose dhexe waxaa uu ku bartay Kismaayo halka sare uu ku dhameeyey Xamar ilaa jaamacad ku dhigtay deeq waxbarasho.

Shaqo ahaan, dowladdii Cabdulahi Yusuf waxaa ay ka dhigtay guddoomiya Jubada hoose, waxaa uuna muddadii dambe ahaa ganacsade iyo nin weyn galangal ugu leh arrimaha siyaasadda Jubbaland iyo la taliyaha madaxweyne Madoobe.

  1. Kursiga 2-aad, waxaa kusoo baxay Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag kadib markii uu tanaasulay Axmed Maxamed Jamaamac.

Waa markii 2-aad Senatornimo ku guuleystay Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ka tirsan isbaheysiga isbadal-doonka ee ka dhanka ah nabad iyo nolol iyo madaxweyne Farmaajo.

Senator Cabdullahi Fartaag oo sidoo kale Jubbaland matalayey 4-tii sano ee lasoo dhaafay , kana tirsanaa baarlamaanka 10-aad ee federaalka ah, waxaa ahaa dadkii ugu cadcadaa ee mucaardka ku ahaa Farmaajo, waxaa xubin UDP ah ee xisbiga Madaxweyne Xasnan Sheekh.

  1. Kursiga 3-aad, Cabdirisaq Maxamed Cusmaan ayaa ka guuleystay Xaliimo Jaamac Maxamed, waxaa uu helay 59 haka ah Xaliimo heshay 11 cod.

Waxaa uu ku dhashay degmada Luuq ee Gedo halkaas oo waxbarashadiisa inta hoose kusoo dhigtay, waxaa uu sidoo kale wax ku bartay dhaqaalaha Gaheyr ee magaalada Muqdisho, waxaa uu kasoo shaqeeyey oo agaasime waaxeed ka noqday wasaaradda maaliyadda qeybta canshuuraha dadban.

14 sano waxaa uu deganaa Holland isaga oo halkaas ku bartay Compurter isaga oo 2003-dii wixii ka dambeeyey kusoo noqday Afrika, noqday ganacsade.

Waxaa uu ka mid ahaa dadkii IGAD u xilsaartay dhismaha Jubbaland iyo aasaaseyaasha Jaamacadda Kismaayo.

  1. Kursiga 4-aad, Iftin Baasto ayaa ka guuleystay Ibraahim Yacquub Aadan kadib markii ninka dambe uu tanaasulay.

Iftin Baasto, waxaa uu ku dhashay, oo ilaa heer dusgi sare ku qaaday degmada Kismaayo ee Jubbanad hoose, waxaa uu jaamacadda ku qaatay dalka Kenya isaga oo halkaas ka ahaa ganacsade.

2006-kii wixii ka dambeeyey waxaa uu ahaa siyaasi, isaga oo guddoomiye ku xigeen ka noqday guddiga dib u heshiisiinta Jubbaland, waxaa uu sidoo kale horay uga tirsanaa baarlamaanka Jubbaland iyo baarlamaanka 10-aad ee federaalka ah ka noqday Senator.

Senatorka ayaa sidoo kale xulafo la ah xisbiga uu hogaamiyo madaxweynihii hore Xasan Sheekh ee UDP.

W/ D: Cabdicaziz Gurbiye

Ad
Previous articleRa’iisul Wasaare Rooble oo ka qeyb galay falanqeyn ku saabsan Waxbarashada oo lagu qabtay London
Next articleGaadiidlayda galmudug oo soo dhaweeyay Qaadashada Taarikada Cusub (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here