Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Khasaare Ka Dhashay Weerar Hoobiyeyaal Ah Oo Lagu Garaacay Maxaas

Khasaare Ka Dhashay Weerar Hoobiyeyaal Ah Oo Lagu Garaacay Maxaas

0

Dagaalamayaasha AL-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in Tiro Hoobiyayaal ay xalay ku garaaceen xaafado kamid ah degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan,waxaana kasoo baxaya warar dheeraad ah oo ku aaaddan Weerarkaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ee aynu ka helayno Maxaas ayaa Tilmaamaya in hal qof oo shacab ah uu ku dhaawacmay, Hoobiyeyaal AL-Shabaab ay ku weerareen Degmadaasi.

Weerarka AL-Shabaab kadib waxaa la sheegay in Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee ATMIS ay jawaab adag ka baxiyeen weerarkaasi huubiyayaasha aha.

Waxaana Wararku intaas ay ku darayaan in Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya oo xili hore helay xogta weerarka Al-Shabaab ay difaacyo adag ka sameestay deegaanno dhaca duleedka Bari ee Maxaas.

Maamulka Degmada iyo laamaha ammaanka wali wax war ah kama aysan soo saarin, balse dadka degaanka ayaa soo sheegaya in xalay ay cabsi aad u weyn soo foodsaartay, maaddaama ay halis u galeen in Hoobiyeyaasha ay haleelaan guryahooda.

Degmada Maxaas iyo degaanno kale oo dhawr ah oo ka tirsan Gobolkaaasi ayaa ka mid ah degmooyinka iyo degaanada ka tirsan Gobolka Hiiraan ee dhawaan ka baxay gacanta AL-Shabaab, kadib dagaallo Culus oo dhexmaray Ciidanka Macawislayda iyo kuwa dowladda oo isku dhinac ah iyo AL-Shabaab.

Wararkii Ugu Danbeeyay Dagaalka ka Socda Dalka Suuriya

Mid ka mid ah kormeerayaasha dagaalka Suuriya ayaa sheegay in iska hor imaad labo maalmood socday oo u dhaxeeyay ciidamada ammaanka Suuriya iyo rag hubeysan oo daacad u ah madaxweynihii

Dowlada oo Ciidan Dheeri ah u dirtay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa deegaanka Cadaan Laxeey oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe geysay ciidamo dheeraad ah oo ka qeyb qaadanaya howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Deegaankaan ciidamada dheeraad

Shirkadda Dayaaradaha ee Turkish Airlines oo hakisay Duulimaadyadii Muqdisho

Shirkadda dayaaradaha ee Turkish Airlines ayaa hakisay duullimaadyadeeedi caalamiga ee ay ku imaanaysay magaalada muqdisho muddo maalmo ah. Ma cadda sababta ay shirkaddu u joojisay duullimaadyadeeda, hase yeeshee wararku waxay

Khudbadii Madaxweyne Donald Trump ee aqalka Congreska iyo Waxyaabihii uu kaga hadlay

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisii ugu horreysay ee Congress-ka xilligii labaad ee madaxweynaha ku bilaabay isagoo ku dhawaaqay, “Ameerika way soo laabatay.” “Lix toddobaad ka hor, waxaan hor istaagay

Dagaal qaraar oo saakay ka dhacay Bariga Gobalka Mudug iyo Khasaaro ba’an oo ka dhashay

Dagaal aad u culus ayaa saakay goor hore ka qarxay Duleedka degmada Afbarwaaqo gaar ahaan degaanka Buq qalooc Dagaalkaan ayaa dhexmaray lama maleeshiyo beelood oo kasoo kala jeeda Maamulada Galmudug
Ad
Previous articleCiidanka Xoogga Oo Hawlgal Qorsheysan Ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose
Next articleCiidamo Hor leh oo Ka Qayb Qaadanaaya Qabashada Degmada Xarardheere oo lagu Wareejiyay Taliye Biixi(Sawiro)