Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Ciidanka Xoogga Oo Hawlgal Qorsheysan Ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Oo Hawlgal Qorsheysan Ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

0

Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya Ciidamada Hawlgalka midowga Afrika ee ATMIS ayaa saaka hawlgal qorshaysan ka fuliyay qaybo ka mid ah Gobolka Shabeelleha ee Maamullka koofur Galbeed Soomaaliya.

Hawlgalkan ayaa ka dhacay deegaanka Danow oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose sida uu wakaaladda wararka SONNA u xaqiijiyey Taliyaha Ciidanka Xoogga Odowaa Yuusuf Raage.

Hawlgalkan ayaa yimid ka dib markii sidala sheegay dagaalamayaasha AL-Sahabab ay isku dayeen in ay ciidanka ku qaadaan weerar gaadmo balse ciidanka oo ka warqabay ay ka hortageen.

Taliyaha Ciidanka Xoogga ayaa intaas ku daray in dagaalamaaysha AL-Shabaab ee weerarka soo qaaday khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ay gaarsiiyeen, waxaana uu sheegay in  ay Saanad Ciidan furteen.

Dhanka kale qarax ka dhacay Degmadda Halgan oo ka tirsan gobolka Hiiraan ayuu Taliyaha Xooggu ka hadlay waxaana uu sheegay in uu sababay khasaaraha dhimashada hal qof oo ku geerirooday iyo Saddex dhaawac ah.

Ad
Previous articleWAR DEG DEG AH: Ciidamada Dowlada oo La Wareegay Degmada Galcad ee Gobalka Galgaduud
Next articleKhasaare Ka Dhashay Weerar Hoobiyeyaal Ah Oo Lagu Garaacay Maxaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here