Home Wararka Somaliya Galmudug Ciidamo Hor leh oo Ka Qayb Qaadanaaya Qabashada Degmada Xarardheere oo lagu...

Ciidamo Hor leh oo Ka Qayb Qaadanaaya Qabashada Degmada Xarardheere oo lagu Wareejiyay Taliye Biixi(Sawiro)

0

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneral Maxamed Tahliil Biixi oo ku sugan degaanka Qosol-tire ee koonfurta gobolka Mudug ayaa lagu wareejiyey ciidamo iyo gaadiid dagaal oo laga soo ururiyey Cadaado, Baxdo iyo degaannada hoos yimaad.

Ciidankan waxaa wareejiyey wefdi ka socday maamulka Galmudug oo ay hor kacayen wasiirka xanaanada xoolaha Glamudug Cabdiraxman Tootoole, Wasiiru-dowlaha arrimaya gudaha Galmudug Cumar Guureeye, Wasiir kuxigeenka wasaarada Qorsheynta Galmudug waxaa wefdiga qayb ka ahaa wasiir ku xigeenka qorshaynta Maxamed Dhagacade, Xildhibaan Cabdi Cali Axmed iyo gudoomiye kuxeenka dagmada Xarardheere.

Ciidankaan ayaa qayb ka noqon doonaa howlgallada iyo dagaallada ka dhanka Kooxda, gaar ahaan degaannada koonfurta Mudug.

Ad
Previous articleKhasaare Ka Dhashay Weerar Hoobiyeyaal Ah Oo Lagu Garaacay Maxaas
Next articleQoor Qoor iyo Wafdi uu Hogaaminaayo oo Gaaray Hobyo iyo Ciidmada Galmudug oo Gordhow lawareegay Deegaan kale oo Qarka Usaaran Xarardheere(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here