Home Wararka Maanta Khasaaraha dhimashada iyo dhaawacyada ee qaraxii Beledweyne oo korortay

Khasaaraha dhimashada iyo dhaawacyada ee qaraxii Beledweyne oo korortay

0

Faahfaahinnada kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee Shalay ka dhacay magaalada Baledweyne oo sii kordhaya.

Qaraxan oo ay mas’uuliyaddiisa sheegteen ururka Al-shabaab ayaa ka dhacay goob saxmad badan oo ku taalla bartamaha magaalada.

Wararki ugu dameeyay ee kasoo baxay maamulka kuna aaddan khasaaraha ka dhashay qaraxaan Ismiidaaminta ah ee geystay khasaaraha baaxada leh ayaa sheegaya in saameyntu ay badantahay.

Sida hadda uu sheegay gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdullahi Axmed oo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa tilmaamay in qasaaruhu uu yahay mid baaxad leh bur bur badanina uu jiro.

Qasaaraha dhimashada ayaa gaaray ilaa 18 ruux halka dhaawacyaduna ay gaarayaan ku dhawaad 50 ruux.

Baledweyne waa magaalada labaad ee kooxda Shabaab ka fuliso qaraxyada Ismiidaaminta ah ee ugu khasaaraha badan marka laga reebo magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Ad
Previous articleBaladweyne oo lagu Qabtay Gaari kale oo Qaraxyo ku Raranyihiin iyo Ragii Watay
Next articleQaar kamid ah dhaawacyada Halista ahaa ee qaraxii Beledweyne oo la geeyay isbitaallada Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here