Home Wararka Maanta Baladweyne oo lagu Qabtay Gaari kale oo Qaraxyo ku Raranyihiin iyo Ragii...

Baladweyne oo lagu Qabtay Gaari kale oo Qaraxyo ku Raranyihiin iyo Ragii Watay

0

Magaalada Beledweyne oo shalay uu ka dhacay qarax culus oo galaaftay nolosha dad badan waxaa lagu qabtay gaadiid kale oo looga shakiyey inuu qaraxyo sido, sidoo kale waxaa la ogaaday qofkii ka soo damiintay laamaha amniga gaarigii qarxay inta uusan soo gelin magaalada.

Ugu yaraan laba gaari oo xamuul ah iyo raggii watay ayaa la qabtay, waxaana socda baaritaan lagu ogaanayo waxa uu yahay rarka saaran gaadiidkaas, sababta loo beegsaday gaadiidkaan waa in isku hal qof uu kasoo damiintay Control-ka laga soo galo magaalada Beledweyne.

Sawirro laga soo qaaday gaadiidka la qabtay ayaa muujinaya raggii watay uu u jeebeysan ciidamada, Taliyaha booliska Beledweyne ayaa warbaahinta u sheegay inay baarayaan waxa saaran gaadiid la qabtay iyo ragga watay oo hadda xiran.

 

Ad
Previous articleSaraakiil Sare sare oo Alshabaab ka Tirsanaa oo lagu Dilay Duqayn Ka dhacday Gudaha Degmada Ceelbbur iyo Magacyadoda oo la Helay
Next articleKhasaaraha dhimashada iyo dhaawacyada ee qaraxii Beledweyne oo korortay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here