Home Wararka Maanta Kenya oo Cabsi Xoogan Soo Wajahday Kadib Hanjabadii Alshabaab u Direen

Kenya oo Cabsi Xoogan Soo Wajahday Kadib Hanjabadii Alshabaab u Direen

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Waqooyi Bari ayaa sheegaya in maanta ciidanka Kenya ay dhaq-dhaqaaqyo ka bilbaabeen xadka, kadib markii ay dowladda dalkaas amartay in heegan buuxa la geliyo ciidamada ammaanka, si uga hortegaan suurta-galnimada weeraro iyo qaraxyo ay Al-Shabaab ka geystaan dalka Kenya.

Dhaq-dhaqaaqyadan iyo feejingaanta la geliyey ciidamada Kenya ayaa timid, kadib ay kooxda Al-Shabaab ku hanjabtay inay weeraro la beegsan doonto xarumaha Kenya, haddii uusan madaxweynaha cusub wax ka bedelin howlgalka milatari ee ay ka wadaan Somalia.

Wararka ayaa sheegaya in saraakiisha ammaanka ay isugu yimaadeen kulan deg-deg ah, isla-markaana ay ka shireen sidii looga hortegi lahaa weerarada kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa ciidamada ilaalada xuduudda ayaa la faray in ay si heer sare ah ula socdaan dhaq-haqaaqa labada dal, si looga feejignaado Al-Shabaab.

Arrintaan ayaa saameyn ku yeelaneysa dhaq-dhaqaaqa shacabka ku sugan deegaannada dhaca xadka Soomaaliya iyo Kenya oo ay inta badan saameeyaan howlgallada socda.

Al-Shabaab waxay digniinteeda cusub oo lagu soo aadiyey doorashadii Kenya kadib ku sheegtay haddii ay dowladda cusub ciidamadeeda kala bixi weyso Soomaaliya ay markale weeraro toos ah iyo qaraxyo la beegsan doonto xarumaha waa weyn ee ku yaalla Kenya.

“Haddii dowladda cusub ee la doortay ay kusii adkeeysato dariiqa dagaalka iyo sii socoshada duullaanka gardarada ah ee Soomaaliya, Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ma beegsan doonto oo kaliya ciidamada kusoo duulay wadanka, balse ay weeraro ka fulin doontaa xudunta iyo xarumaha waaweyn ee Kenya Allaah idankii, ilaa inta saliibiyiinta Kenya laga ceyrinayo dhulalka Muslimiinta ee ay kusoo duulleen, Shareecada Allaahna laga hirgelinayo, diinta oo idilna ka noqoneysa mid Allaah oo kaliya u sugan” ayaa lagu yiri bayaanka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro khasaare geysta ka fulisa gudaha dalalka Soomaaliya iyo Kenya, kuwaas aad u kordhay sanadihii la soo dhaafay

Ad
Previous articleBaarlamaanka Galmudug oo Wisil u ansixiyay Degmo ahaan
Next articleSoomaaliya Iyo Maraykanka oo Ka wada Hadlay Sida Loo wajaahaayo Dagaalka alshabaab ee Dhawan bilaaban doona(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here