Home Wararka Maanta Kenya iyo Qadar oo wadahadal ka yeelanaya Arimaha Badda Somaliya

Kenya iyo Qadar oo wadahadal ka yeelanaya Arimaha Badda Somaliya

0

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa Arbacadii shalay magaalada Doxa ee dalka Qatar u diray, Xoghihiisa Golaha Wasiirrada Kenya Dr. Fred Okengo Matiang’i, si uu farriin u gaarsiiyo amiirka Doxa Sheikh Khalid Bin Khalifa Bin Abdulaziz Al Thani.

Socdaalka xoghayaha golaha wasiiradda Kenya ayaa kusoo aaday, iyadoo 12 ka bisha Octobar maxkamadda ICJ ay shaacin doonto xukunka dacwadda muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Warbaahinta Kenya waxay qorayaan in socdaalka  Fred Okengo Matiang’i, uu la xiriiro in Kenya iyo Qadar ay kala saxiixan doonaan heshiis amni.

Tan iyo sannadkii 2020, Doxa ayaa si dhow ugu lug lahayd arrimaha Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo kaalin ka qaadatay in labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ay heshiisiiso si ay usoo celiyaan xiriirkoodii diblumaasiyadeed ee xumaaaday 2020.

Qatar ayaa sidoo kale horey isugu dayday inay heshiis ku saabsan muranka badda dhex dhigto labada dal. Laakiin marna ma noqon mid hirgala.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Qatar ay dan weyn ka leedahay shirkadda weyn ee Saliidda Talyaaniga ee Eni oo sahamin ka wadday qaar ka mid ah baloogyada ku yaal dhulka lagu muransan yahay ee Soomaaliya iyo Kenya.

Ad
Previous articleShir Caawa dhexmaray Golaha Wadatashiga Qaran iyo Muhiimada Looga hadlay
Next articleWaa Tee Maxkamadda Xukunka dilka ah ku xukuntay Donald Trump

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here