Home Wararka Maanta Jubbaland oo war kasoo saartay Shirkii uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo

Jubbaland oo war kasoo saartay Shirkii uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo

0

Maamulka Jubbaland ayaa soo dhaweeyay sheegayna inay ka qeyb-galayaan shirkii uu xalay iclaamiyay in uu Madaxda dowladda iyo dowlad Goboleedyada uga furmayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Jubbaland Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed ayaa sheegay in markii hore Puntland iyo jubbaland ay dalbadeen in shirkaasi la qabto, welina ay diyaar u yihiin qabsoomida shirka u dhaxeeya madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada.

Sidoo kale Wasiirka oo la hadlay BBC-da waxaa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu muddo badan ka caga jiidayay in uu shirkaasi dhaco, isla markaana waqtigii loogu talo galay uu kasoo dib dhacay, hayeeshee ay dhankooda shirka ka qeyb-galayaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kadib kulan uu Madaxtooyada kula qaatay wakiilada Beesha Caalamka waxaa uu ku dhawaaqay shir ka furmaya Maalinta Berito ah Magaalada dhuusamareeb, kaas oo ay ka qeyb-galayaan madaxda dowladda & dowlad goboleedyada loogana hadlaya xalka gaarista khilaafka doorashooyinka.

Ad
Previous articleCaasimada Gamudug ee Dhuusomareeb oo lagu qabanayo Shirka uu ku dhawaaqay Madaxweyne Farmaajo
Next articleDowlada Somaliya oo Kenya ku eedeesay Colaada Gobolka Gedo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here