Home Wararka Somaliya Dowlada Somaliya oo Kenya ku eedeesay Colaada Gobolka Gedo

Dowlada Somaliya oo Kenya ku eedeesay Colaada Gobolka Gedo

0

Taliyaha Ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed General Maxamed Tahliil Biixi oo kormeer ku sameeyey fariisimaha ciidanka xoogga ee duleedka degmada Beled-xaawo ayaa mar kale dowladda Kenya ku eedeeyey in ay colaad ka hurineyso gobolka Gedo.

Taliyaha waxaa uu sheegay in dowladda Kenya ay maleeshiyaad ku aruurineyso duleedka Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo, iyaga oo doonaya inay carqaladeeyaan amniga kajira Gobolkaas.

Waxaa uu ku eedeyay Guddigii xaqiiqo raadinta ahaa ee ka tirsan IGAD ee dhawaan gudbiyay Warbixinta inay iska indha-tireen xaaladaha kajira Gobolka Gedo, waxaana uu sheegay in Warbixintaas ay tahay mid Madaxweynaha Jabuuti uu ku doonayo in uu ku dheereesto xukunka.

“ Waxaa ayaan darro ah maanta waxa cad oo meeshaan ka muuqda in ciidankii Siliga kasoo gudbay oo madaafiicda soo ridaya oo Xerada ciidanka Kenya ku dhex-jira in Madaxweynaha Jabuuti u yiraahdo Soomaaliya ayaa gardaran, Shacabka Soomaaliyeed  u sheegaya in Shacabka Jabuuti ay yihiin Walaalaheen raali kama ahana waxa lagu hadalay waxaa ay khaas ku tahay siyaasadda Ismaaciil Cumar Geelle uu ku dherer sananayo xukunka ayuu yiri” Taliyaha.

Ad
Previous articleJubbaland oo war kasoo saartay Shirkii uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo
Next articleC/Raxmaan Cabdi Shakuur oo ka hadlay Shirka uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo ee Maamul Goboleedyada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here