Home Wararka ugu Muhiimsan Jubbaland oo Janan oo xil ka qaadis ku sameeysay

Jubbaland oo Janan oo xil ka qaadis ku sameeysay

0

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xilka ka qaadey Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) Wasiirkii Amniga Dowlada Jubbaland sida lagu sheegay war goordhaw kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland.

Xilka qaadista Cabdirashiid Janan ayaa imanaysa kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in uu heshiis la gaaray dowlada federalka.

Wareegtada xil ka qaadista ayaa ku taariiqeysan 20ka bishan Marso oo ah afar maalmood kahor xilliga la baahiyay ee maanta ah.

Cabdirashiid Janan ayaa hore dowlada federalka ugu eedeeysay inuu dambiyo ka galay dalka waxana uu ku dhuumaalaysanayay xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.
Waxaa soo baxaya warar sheegaya in maanta uu Cabdirashiid Janan imanayo magaalada Beled-xaawo halkaas oo ay tageen ciidamo dhowaan laga dejiyay magaalada Doolow.

Dowladda Federaalka ayaa xabsiga dhigtey Cabdirashiid Janan bishii Augst ee 2019-kii hase yeeshee waxa uu ka baxsaday 1dii September 2019.

Hay’adda Amnesty International oo u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeysay Cabdirashiid Janan in uu masuul ka ahaa dembiyo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah iyo xadgudubyo halis ah oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Ad
Previous articleCabdirashiid Janan oo Xaqiijiyay in uu ku biiray Dowlada Somaliya
Next articleAxmed Madoobe oo xilka deg deg uga qaaday Wasiirka Amniga Jubbaland Janan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here