Home Wararka Somaliya Cabdirashiid Janan oo Xaqiijiyay in uu ku biiray Dowlada Somaliya

Cabdirashiid Janan oo Xaqiijiyay in uu ku biiray Dowlada Somaliya

0

Wasiirkii Amniga Mamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan cabdinuur Janan ayaa xaqiijiyay in uu heshiis la galay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, isla markaana saacadaha soo socda uu tagayo degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo.

Janan oo ku dhawaad Sanad Ciidamo taageersan ku heysta duleedka Beled-Xaawo ayaa dhowr jeer weerar kusoo qaadat degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo, isla markaana uu dagaal la galay Ciidamada ay dowladda geysay halkaas.

Wasiirkii Amniga Mamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaau xaqiijiyay BBC-da in uu tegayo degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo, waxaana halkaasi ka socda qaban qaabo lagu soo dhaweeynayo.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xilkii ka qaaday Wasiirkii Amniga Mamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan cabdinuur Janan, waxaana warqadda xilka qaadista oo Maanta soo baxday ay ku taarookheysan tahay 20kii Bishaan Maarso.

Ad
Previous articleMadaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Maamul Gobaleedyada oo kulan la qaatay Guddiga Hirgalinta Doorashada
Next articleJubbaland oo Janan oo xil ka qaadis ku sameeysay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here