Home Wararka Maanta Jubaland oo noqotay Maamulkii ugu Horeeyey ee loo diro Ciidamadii Laga Keenay...

Jubaland oo noqotay Maamulkii ugu Horeeyey ee loo diro Ciidamadii Laga Keenay Eritrea

0

Cutubyo ka tirsan ciidamadda lagu soo tababaray dalka Eritrea ayaa la filayaa in la geeyo Jubaland, si ay kaalin uga qaataan howlgalka Shabaab looga xoreynayo maamulkaasi.

Sida xogaha ay cadeynayaan, go’aankan ayaa qalinka lagu duugay kadib heshiis laba geesood ahaa oo dhexmaray madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo fadhiga heshiiskan uu joogay ra’iisul wasaare Xamze oo deegaankaasi ka soo jeeda.

Ilaaa Kun askari ayey qorshaha tahay in la geeyo maamulkaasi, iyagoo howlgalo ka sameyn doona degmooyinka Jilib iyo Afmadow, waxeyna ka bar bar dagaalami doonaan ciidamadda kale ee maamulka Jubaland oo loo diyaariyay ciribtirka Shabaab.

Haatan dalka waxaa dib loogu soo celiyay ilaa 500 askari oo kamid ah ciidamadda lagu soo tababaray dalkaasi, waxaana lagu wadaa in dhamaadka bishan la soo wada celiyo, sida uu hore u sheegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Kooxda Al-Shabaab ayaa deegaano badan ka heysata maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe, waana maamulka kaliya ay Shabaab ka heystaan gobol dhan waana gobolka Jubbada Dhexe.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Ad
Previous articleQ.Midoobe Oo Balanqaad inay Deg deg ku Gaarayso Deegaanada Laga Xoreeyay Alshabaab
Next articleDagaal Qaraar kadib oo Alshabaab looga Soo Furtay Gaadiid ay Dhawaan Ciidamada Dowlada Ka Furteen(Sawiro)