Home Wararka Maanta Q.Midoobe Oo Balanqaad inay Deg deg ku Gaarayso Deegaanada Laga Xoreeyay...

Q.Midoobe Oo Balanqaad inay Deg deg ku Gaarayso Deegaanada Laga Xoreeyay Alshabaab

0

Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul wasaare ku xigeenk Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta kulan la qaatay ku xigeenka ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr Adem Abdelmoula.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa ergeyga Q.M. kala hadlay xiriirka dowladda Soomaaliya kala dhexeeya hay’daha kala duwan ee Qaramada Midoobay iyo sidii loo sii xoojin lahaa, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo waxyaabaha hortabinta u leh Xukuumadda Dan Qaran.

Mr. Adem Abdelmoula ayaa dhankiisa ballanqaaday in Q.M. ay dowladda Soomaaliya kala shaqeyn doonto xasilinta deegaannada dhawaan laga xoreeyey khawaariijta, si loo xaqiijiyo in dadweynaha Soomaaliyeed ay ka soo kabtaan dhibaatada ka soo gaartey kooxaha argagixisada ah ee nolosha iyo horumarka u diidey.

Ad
Previous articleGuutada 14ka Octoobar oo Balan Qaaday inay Deg deg uga Jawaabi Doonaan Amarki Madaxweyne Xasan Shiikh ee Shabeelada Hoose
Next articleJubaland oo noqotay Maamulkii ugu Horeeyey ee loo diro Ciidamadii Laga Keenay Eritrea

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here