Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Dagaal Qaraar kadib oo Alshabaab looga Soo Furtay Gaadiid ay Dhawaan Ciidamada...

Dagaal Qaraar kadib oo Alshabaab looga Soo Furtay Gaadiid ay Dhawaan Ciidamada Dowlada Ka Furteen(Sawiro)

0

Inta la xaqiijiyay 49 ka tirsan kooxda Alshabaab  ayaa lagu dilay tiro kalana waa lagu dhaawacay dagaal ka dhacay Tuulada Dhagaxow oo hoostagta deegaanka Xawaadlay ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalkaan oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka, Geesiyaasha dadka deegaanka, Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ayaa waxaa lagu beegsaday Alsgabaab isku abaabulaysay dhulbeereedka Sheekh Qaasim.

Sidoo kale, Alshabaab halkaan waxay ku haysteen dhaawacyo badan oo ayaga ka mid ah, kuwaas oo horay ugu soo dhaawacmay dagaallada dalka looga xoraynayo, qaarkood ayaana howlgalkaan lagu dhammaystiray.

Howlgalka inta uu socday alshabaab waxaa laga soo celiyay Gaadiid Dagaal oo ay horay u qaateen kuwaas oo uu ku jiro Gaari uu saaranyahay qoriga Zuu-ga, waxaana sidoo kale howlgalka lagu burburiyay Gaadiid dagaal iyo saanad ciidan.

Hal asakari oo ka tirsan ciidanka Qaranka ayaa ku Dhintay inta uu socday howlgalka, waxaa sidoo kale dhaawac uu soo gaaray saddex kale oo ka tirsan ciidamada Qaranka.

 

Ad
Previous articleJubaland oo noqotay Maamulkii ugu Horeeyey ee loo diro Ciidamadii Laga Keenay Eritrea
Next articleWaa kee waddanka ay qaaliga ka tahay basasha Soomaaliya aad looga jecel yahay?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here