Home Wararka Somaliya Jubbaland Jubaland oo Maantay Soo Afmeertay kuraastii Taalay Kismaayo(Sawiro)

Jubaland oo Maantay Soo Afmeertay kuraastii Taalay Kismaayo(Sawiro)

0

Guddiga SIET ee maamulka Jubbaland ayaa maanta soo gabagabeeyey doorashada kuraasta baarlamaanka ee taalla magaallo xeebeedka Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose oo ah deegaan doorashada koowaad ee maamulkaasi.

Labadii kursi ee u dambeysay kuraasta Kismaayo ayaa maanta lagu qabtay magaaladaasi, kuwaas oo kala ah:- HOP#133 iyo HOP#219.

Kursiga HOP#133 oo doorashada lagu bilaabay ayaa waxaa ku guuleystay Maxamed Xasan Aadan, kadib markii uu tanaasulay Maxamuud Axamed Xasan oo la tartami lahaa.

Sidoo kale kursiga kale ee HOP#219 oo ay ku tartameen laba gabdhood ayaa waxaa ku soo baxday Roodo Carab Cabdi oo heshay 78 cod, halka Faadumo Cabdi Cali oo la tartamaysay ay heshay 20 cod, sidoo kale waxaa xumaaday 3 cod, sida uu shaaciyey guddiga SEIT.

Doorashada kuraastan ayaa ku soo aaday, xilli lasoo dhaafay 15-kii bishan March oo aheyd in lagu soo gabagabeeyo doorashada xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

Jubbaland ayaa waxaa weli ku harsan 16 kursi oo yaalla Garbahaarey, waxaana haatan ka taagan is mari-waa ku aadan sida loo wajahayo, kaas oo muddo fog soo taagnaa.

Si kastaba, doorashada baarlamaanka ayaa haatan gabagabo ku dhow, waxaana la guda geli doonaa doorashada guddoonka labada aqal, kadibna tan u dambeysa madaxweynaha.

Ad
Previous articleTurkiga oo 3 Qodob ka Faaiday Dagaalka Ruushu ku Qaaday Ukrain
Next articleMadaxweyne Laftagareen “77 Xildhibaan maanta State heysta ma leh, laba State oo la isku daray ayaa heysta 77 xildhibaan”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here