Home Wararka Somaliya Jubbaland Jubaland oo maantay markale Cashir Culus u dhigay Alshabaab Qaarna Nolosha kusoo...

Jubaland oo maantay markale Cashir Culus u dhigay Alshabaab Qaarna Nolosha kusoo qabtay

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay howlgal culus oo maanta lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka oo ay si wadajir ah u qaadeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ayaa lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ku yaalla agagaarka magaalada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose.

Qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu faah-faahiyay howlgalkaasi, waxaana lagu sheegay in lagu dilay 30 xubnood oo Al-Shabaab ah sidoo kalena lagu qabtay saddex kale oo nool.

“Howlgal qorsheysan oo saakay Ciidanka Danab ee Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ay ka fuliyeen aagga deegaanka Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose ayaa lagu dilay in ka badan 30 Khawaarij ah, halka 3 dhagarqabe nolosha lagu qabtay,” ayaa lagu yiri war kooban oo kaso baxay dowladda Soomaaliya.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga daraamayaa duleedka magaalada Kismaayo oo ay ku sugan yihiin ciidamo badan oo loo diyaariyay dagaalka Al-Shabaab.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalja maanta ka dhacay gobolka Jubbada Hoose, kaas oo ay guul ka sheegatay dowladda Soomaaliya.

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Dagaal ka dhacay Cadaado iyo Taliyihii Booliska Cadaado oo Ku dhaawacmay
Next articleAlshabaab oo Weerar Dhabagal ah lagu qaaday Gaadiidna Laga Gubay