Home Wararka Maanta Jeneral odawaa oo la Kulmay Taliyaha Ciidamada Midowga Yurub(Sawiro)

Jeneral odawaa oo la Kulmay Taliyaha Ciidamada Midowga Yurub(Sawiro)

0

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Odowaa  Yuusuf  Raage ayaa xafiiskiisa ku qaabilay taliyaha cusub ee ciidanka Midowga Yurub u qaabilsan tababarka ciidanka xoogga dalka (EUTM) Gen. Viglietta.

Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa isbarasho iyo sida taliska ciidanka xoogga iyo taliska ciidanka Midowga yurub  ay iskaga kaashan lahaayeen la dagaalanka Al-Shabaab.

Gen. Viglietta ayaa amaanay horumarka laga gaaray dib u dhiska ciidanka xoogga dalka iyo howlgalada ay kula dagaalamayaan Al-Shabaab, isagoo balan-qaaday inuu xoojinta tababarada iyo taakuleynta midowga Yurub uu siiyo Somalia.

Hawlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM Somalia) ayaa la bilaabay 7-dii Abriil 2010 ilaa xilligaas waxaa waqtiga loo cusbooneysiiyey shan jeer, waxayna qaabilsan yihiin tababarida iyo taakuleynta ciidanka xoogga dalka.

Ad
Previous articleJeneraal Indha Qarshe oo Go,aan Culus ka Qaatay Kursigi HOP020 oo uu Utartamaayay
Next articleGuudlaawe iyo Dabagees Heshiis ka Gaaray Muranki ka Taagnaa Baladweyne(aqriso)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here