Home Wararka Somaliya Galmudug Jeneraal Indha Qarshe oo Go,aan Culus ka Qaatay Kursigi HOP020 oo uu...

Jeneraal Indha Qarshe oo Go,aan Culus ka Qaatay Kursigi HOP020 oo uu Utartamaayay

0

Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) ayaa shalay isaga tagay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, ka dib markii si buuxdo loogu diiday inuu u tartamo kursiga #HOP20.

Guddiga Doorashada Galmudug oo uu gadaal ka riixayay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa kursigan ka dhigay qoondo dumar.

Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Gaalkacyo u yimid, sidii uu ugu tartami lahaa doorashada kursigaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay inaysan Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal iyo Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble waxba ka qaban cabasho ay u soo gudbiyeen odayaasha beesha kursigaasi iska leh.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa laba habeen ka hor Magaalada Gaalkacyo kula kulmay odayaashaasi, isagoona u sheegay inaanan laga noqon doonin, sidii kursigaasi loogu xiray haweenka.

Odayaasha oo kadib u yeeray General Indha-qarshe ayaa ku samir-siiyay in waxa dalka ka socdaa aysan doorasho ahayn oo kuraasta la boobayo.

Intaasi ka dib jananka ayaa Madaxweynaha ku booqday Xarunta Madaxtooyada, waxaana uu u sheegay inuu isaga ambabaxayo magaalada, isagoo welibana xaq u leh inuu u dagaalamo kursiga uu reerkiisu leeyahay.

Ad
Previous articleImaaradka Carabta iyo Qatar oo Diiday Codsi uga Yimid Madaxweynaha Maraykanka
Next articleJeneral odawaa oo la Kulmay Taliyaha Ciidamada Midowga Yurub(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here