Home Wararka Maanta Jeneral odawaa oo la Kulmay Taliyaha Ciidamada Midowga Yurub(Sawiro)

Jeneral odawaa oo la Kulmay Taliyaha Ciidamada Midowga Yurub(Sawiro)

0

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Odowaa  Yuusuf  Raage ayaa xafiiskiisa ku qaabilay taliyaha cusub ee ciidanka Midowga Yurub u qaabilsan tababarka ciidanka xoogga dalka (EUTM) Gen. Viglietta.

Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa isbarasho iyo sida taliska ciidanka xoogga iyo taliska ciidanka Midowga yurub  ay iskaga kaashan lahaayeen la dagaalanka Al-Shabaab.

Gen. Viglietta ayaa amaanay horumarka laga gaaray dib u dhiska ciidanka xoogga dalka iyo howlgalada ay kula dagaalamayaan Al-Shabaab, isagoo balan-qaaday inuu xoojinta tababarada iyo taakuleynta midowga Yurub uu siiyo Somalia.

Hawlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM Somalia) ayaa la bilaabay 7-dii Abriil 2010 ilaa xilligaas waxaa waqtiga loo cusbooneysiiyey shan jeer, waxayna qaabilsan yihiin tababarida iyo taakuleynta ciidanka xoogga dalka.

Ad