Home Wararka Maanta Jeneraal Biixi oo toos ugu hanjabay Cali Dheere Fariin adagna Udiray

Jeneraal Biixi oo toos ugu hanjabay Cali Dheere Fariin adagna Udiray

0

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa maanta mar kale si adag ugu jawaabay afhayeenka kooxda Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere).

Taliye Biixi ayaa sheegay in Cali Dheere uu mudo dheer ku soo faanaayey dilka iyo gumaadka umadda Soomaaliyeed, balse hadda ay asaga soo dili doonaan.

“Cali Dheere horay ayaan ugu jawaabay, mana mudna wax loo jawaabo, laakiin waxaan leeyahay Caliyow wax badanaa soo nooleed oo dad Soomaaliyeed inta leysay falilaali-xamdu ka dul tiri, balse maanta adigaan kaa dul dhihi doonaa,” ayuu yiri Jeneraal Biixi oo fariintaan si toos ah ugu diray afhayeenka Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa sheegay inay caawi doonaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada ay ka qabsanayaan kooxda Al-Shabaab. “Ujeedka howlgalkaan waa in dadka Soomaaliyeed aan dhibaatada Al-Shabaab ka dul qaadno, godkey galaan ayaan uga daba galeynaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Jeneraal Biixi ayaa fariin u diray dhalinyarada ka barbar dagaalanta kooxda Al-Shabaab, isagoo ku baraarujiyey inay badbaadsadaan naftooda qaaliga ah.

“Shabaabow weli jaanis ayaad heysataan, war nin kastow maanta u cararay gurigii ay kaasoo wateen, hortaada u carar oo badbaadso naftaada qaaliga ah, war maxaad ku dhimaneysaan? Walaahi diin kuma dagaalameysaan ee yaan dabka la idinku shubin,” ayuu fariintiisa ku yiri Taliye Biixi.

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka ayaa maanta shir jaraa’id oo Hiiraan uu ku qabtay wuxuu ku shaaciyey in howlgalka ka socda gobolkaas lagu dilay 127 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana inta badan gobolka laga wiiqay awoodii kooxda.

 

 

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleMaraykanka oo Ku Dhawaaqay Tageero Maalyadeed oo usiinaayo Soomaaliya
Next articleMaraykanka oo Ku Faanay inuu Qayb wayn ka Qaatay Dagaalka Shabaab looga saaray Hiiraan