Home Wararka Maanta Jenaraal Ibraahim Muxyadiin iyo Ciidamo Maraykan ah oo uu Hogaaminaayo oo Gaaray...

Jenaraal Ibraahim Muxyadiin iyo Ciidamo Maraykan ah oo uu Hogaaminaayo oo Gaaray Furimaha Dagaalka Galmudug(Sawiro)

0

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jenaraal Ibraahim Muxyadiin iyo saraakiil ciidan oo la socota ayaa gaaray degmada Galcad ee gobolka Galgaduud, halkaas oo fariisin weyn u ah ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibadooda caawinaya.

Jeneraal Ibraahim Muxyadiin waxaa safarka ku wehliyay saraakiil katirsan ciidanka milatariga Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya, kuwaa oo dagaalka ka taageera ciidanka kumaandooska Danab ay tababareen.

Taliyaha ciidanka xoogag dalka iyo saraakiisha la socota ayaa kormeeray furimaha hore iyo difaacyada ciidamada  xoogga ku leeyihiin Magaalada Galcad, waxa ayna halkaasi kula kulmeen saraakiisha ciidanka hoggaamineysa.

Taliyaha iyo saraakiisha la socotay oo la hadlay ciidanka furumaha hore ee dagaalka ku sugnaa ayaa kula dar-daarmay in ay u diyaar garoobaan dagaal adag oo ay la galaan kooxda Al Shabaab ee ku sugan qeybo kamid ah gobolka Galgaduud.

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Ciidamada Dowalada oo la wareegay Degaano Hoostaga Degmada Ceelbuur
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Dagaal Culus oo Kasocda Duleedka Degmada Wabxo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here