Home Wararka Maanta Jabuuti oo saxeexday heshiis ay ku sameysaneyso dayax-gacmeed

Jabuuti oo saxeexday heshiis ay ku sameysaneyso dayax-gacmeed

0

Mas’uuliyiinta dalka Jabuuti ayaa heshiis horudhac la galay koox qaabilsan teknooloojiyadda hawada sare oo ka socota Hong Kong kasoo ku saabsan horumarinta qalabka iyo gantaallada dayax gacmeedka laga rido xilli Jabuuti ay ku howlan tahay sameynta xarun laga diro dayax-gacmeedka.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa goob joog ka ahaa heshiiska, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Jabuuti.

Mashruuca dayaxgacmeedka Jabuuti waxaa ku bixi doonaa $1 bilyan oo doolar, wuxuu qaadan doonaa muddo shano sano ah.

Sidoo kale waxaa mashruuca qeyb ka ah in deked iyo waddo laga dhiso gobolka waqooyiga dhaca ee Obokh.

Ad
Previous articleCiidmada ATMIS oo lagu Wareejiyay Shirka Ka Dhacaaya Magaalada Baydhabo Xili Mucaaradka K/Galbeed Baydhabo Tagaayaan
Next articleCabdiwahaab Axmed oo ku nool Muqdisho isagoo qorsheeyay qaabkii uu isu dili lahaa ayey arrin kale dhacday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here