Home Wararka Maanta Ciidmada ATMIS oo lagu Wareejiyay Shirka Ka Dhacaaya Magaalada Baydhabo Xili Mucaaradka...

Ciidmada ATMIS oo lagu Wareejiyay Shirka Ka Dhacaaya Magaalada Baydhabo Xili Mucaaradka K/Galbeed Baydhabo Tagaayaan

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan saacado socday la qaatay saraakiisha ciidanka nabad ilaalinta qeybta 3-aad ee ATMIS.

Kulanka ayaa looga hadlay amniga guud ee magaalada iyo nawaaxigeeda iyadoo saraakiisha ciidanka ATMIS ay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS u sheegeen in ay sugi doonaan amniga guud ee magalada, goobta shirka lagu qabanaayo ee Baydhabo, wufuuda imaaneysa iyo amniga madaxda qaranka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa boggaadiyay ciidanka nabad ilaalinta qeybta 3-aad ee ATMIS isagoo ku dhiirageliyay in laga taxdaro kooxda Khawaariijta Al-Shabaab, wuxuuna xusay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka wadashaqeyaan amniga.

Ad
Previous articleP.M Xamza oo Qaahira kula kulmay Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya
Next articleJabuuti oo saxeexday heshiis ay ku sameysaneyso dayax-gacmeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here