Home Wararka Maanta Itoobiya oo war cusub ka soo saartay xiisadda kala dhaxeeysa Soomaaliya

Itoobiya oo war cusub ka soo saartay xiisadda kala dhaxeeysa Soomaaliya

0

La taliyaha amniga qaranka Itoobiya, Redwan Xuseen, ayaa sheegay in Addis Ababa ay diyaar u tahay inay dhegeysato saaxiibbadeeda, si ay u dejiso xiisadda kala dhexeysa Soomaaliya ee ku aaddan heshiiskii is-afgaradka ahaa ee muranka badan dhaliyay ee ay la gashay Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland.

“Iyada oo ay qayb ka tahay ballan-qaadkeenna, waxaan laba-jibaari doonnaa dadaalkeenna si aan u hubinno is-fahan wanaagsan. Waxaan dhageysan doonnaa saaxiibbada si loo helo isku-dubbarid dadaallada lagu dhimayo xiisadda,” Mr Redwan ayaa sidaa ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa X, (Twitter).

“Waan sii wadi doonaa dadaalka aan ugu jirno in aan si joogta ah u gaarno gabogabada iyadoo dhamaan tixgalin faa’iido leh la isku muujinayo ,” ayuu raaciyay hadalkiisa.

Hadalkan ayaa loo arkaa inuu ku wajahan yahay Masar oo ka digtay khatarta ka dhalan karta heshiiska isla markaan auu keeni karo madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, xilli uu dhawaan uu booqosho ku tagay madaxweynaha Soomaaliya.

Halkaan ka aqriso warar dheeraad ah oo ku saabsan xiisadda u dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya

Ad
Previous articleAlshabaab oo Wali Ku sugan Gudaha Magaalada caad Gubaayana….
Next articleWar Deg Deg ah: Habraaca Wax ka Badalka Dastuurka oo La Ansixiyay Xili Saxaafada Loo diiday inay Gudaha Baarlamaanka Galaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here