Home Wararka Maanta Alshabaab oo Wali Ku sugan Gudaha Magaalada caad Gubaayana….

Alshabaab oo Wali Ku sugan Gudaha Magaalada caad Gubaayana….

0

Wararkii Ugu Danbeeyey ee Degaanka Caad ayaa Sheegaaya in Haatan Gudaha Magaalada Caad ay ku Suganyihiin Alshabaab kuwaas oo Haatan Gubaaya Guryahii ay Daganaayeen ciidamada Dowlada iyo Macawisleydu.

Ciidamada Gor Gor iyo Kuwa Macawislayda ayaa Haatan ku Sugan Banaanka Magaalada kuwaas oo isku Diyaarinaaya Dib u Qabsashada Magaakada caad oo Saakay Xoog looga Saaray.

Khasaaraha Hordhaca ah ee Ka Dhashay Dagaalkaan ayaa ila Hada La Xaqiijiyay Geerida Lix askari oo Ka Tirsanaa Darawiishata Galmudug iyo Macawislayda Deegaanka Kuwaas oo kasoo kala Jeedahay Beelaha Sacad iyo Saleebaan Halka Dhaawana Lagu Sheegay ilaa 16 Askari oo la Gaarsiiyay Deegaanka Ceelhuur.

Sidoo kale Alshabaab ayaa Qabsaday Gadiid kuwaas oo kala Ahaa Gaari Saadka Ciidamada Dowlada Waday iyo Sadex Gaari oo nooca Raaxada oo ay lahaayeen Macawislayda Deegaanku

Magaalada Caad ayaa ahayd Magaaladii ugu Danbaysay ee ka Tirsan koonfurta Gobalka Mudug oo Alshabaab laga Saaro.

Ad
Previous articleDagaal Culus oo Ku Bilowday Qaraxyo oo Alshabaab ku Qaadeen Caad iyo Faysal Dhagool oo Ka Mid noqday Saraakiisha Ku dhimatay Dagaalkaas
Next articleItoobiya oo war cusub ka soo saartay xiisadda kala dhaxeeysa Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here