Itoobiya oo soo bandhigtay magacyada saraakiil ay sheegtay inay ka dishay Al-Shabaab

Dowladda Itoobiya ayaa soo bandhigtay magacyada 24 sarkaal oo sare oo ay sheegtay inay ku dishay dagaaladii ay dhawaan kooxda Al-Shabaab ku qaaday xuduudda iyo gudaha dalka Itoobiya.

Liiska ay Itoobiya soo badhigtay waxaa kasoo dhex muuqday Fu’aad Maxamed Shangole iyo Cabdicasiis Abuu Muscab oo labaduba soo hadlay, kuwaas oo sheegay inay nool yihiin.

Itoobiya ayaa sheegtay inay guud ahaan dagaalka ku dishay 813 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab kuwaas oo ay ku jiraan 24 sarkaal oo ay shaacisay magacyadooda.

Halkaan ka akhriso magacyada saraakiisha Al-shabaab ee Itoobiya ay sheegtay inay dishay: