Home Wararka Maanta Isxaaq Aadan Shuceyb (Cumraani) oo Mudo kadib Isoo Gacan Galay Ciidanka Dowlada(Sawiro)

Isxaaq Aadan Shuceyb (Cumraani) oo Mudo kadib Isoo Gacan Galay Ciidanka Dowlada(Sawiro)

0

Isxaaq Aadan Shuceyb (Cumraani) ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee fadhigooda yahay degaanka Goof-gaduud Buurey ee gobolka Bay.

Halkaasi oo haatan farisan u ah ururka 46-aad ee qeybta 60-aad, ayaa lagu hayaa Cumraani oo kooxda Al-Shabaab ka soo goostay xilli ay wajahayaan guluf culus oo ay iska garabsanayaan ciidanka dowladda iyo shacabka hubeysan.

Isaaq Cumraani ayaa waxa uu tababar kusoo qaatey degmada Jilib Ee gobalka Jubada Dhaxe, sidoo kalena waxa uu muddo laba sanno ah ka tirsanaa waxa ay ugu yeeraan Jabhadaha.

Ninkan ayaa wuxuu ugu baaqay dhalinyaradii saaxiibada ahaa ee ay ka wada tirsanayeen kooxda Al-Shabaab inay isaga soo baxaan kooxda, ayna ka faa’iideystaan cafiska ay u fidisay dowladda federaalka Soomaaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe soo bandhigaysay xubno ka tirsanaa kooxda oo isku soo dhiibay, kuwaasi oo ka faa’iideysanaya cafis ay dowladda u fidisay xubnaha kooxda.

Xubnaha kasoo goosta kooxda Al-Shabaab ee usoo gala dowladda ayaa inta badan waxay sheegaan in lagu qalday fikrad Diimeed ay salkeeda soo taabteen inaysan waxba ka jirin.

Si kastaba, Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa kooxda looga saaray deegaano horleh, inkasta oo ay weli ku sugan yihiin qeybo kamid ah dalka, xilli dhawaan uu billaabanayo wejiga labaad ee dagaalka oo ay qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.

Liiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay

Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay

Magaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay

Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.

4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland

Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg

Maxaa Keenay cabsida laga qabo in uu Dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya?

Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo
Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Dilka loo gaystay Ganacsadi Xasan Xaaji Daahir
Next articleJubland oo ka Hortimid Qorshe uu Watay Madaxweyne Xasan Shiikh