Home Wararka Somaliya Jubbaland Jubland oo ka Hortimid Qorshe uu Watay Madaxweyne Xasan Shiikh

Jubland oo ka Hortimid Qorshe uu Watay Madaxweyne Xasan Shiikh

0

Dawladda Soomaaliya ayaa dhowaan codsatay in dib loo dhigo bixitaanka 3,000 oo ka mid ah ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS muddo 90-maalmood ah.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo mid ka mid ah mas’uuliyiinta Soomaalida ayaa walaac culus ka muujiyey qorshaha lagu dhimayo ciidamada ATMIS ee dalka ay kaga baxayaan.

Madaxweyne Maxamuud Sayid Aadan ayaa qaba in aysan saddex bilood ahayn muddo ku filan inay ku soo kabsato dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay in loo baahan yahay in dib loo eego waqtiga ciidamada Soomaalidu ay amniga dalka kala wareegi karaan ATMIS.

Bishii Juun ayaa 2,000 kun oo ah ciidamada ATMIS ayaa ka baxay Soomaaliya, ciidankaas ayaa baneeyey ilaa 7 saldhig oo mid ka mid ah uu ku yaallo deegaanka Geriley ee gobolka Gedo – Jubbaland.

Saldhigaas oo ciidamada Kenya ayaa ka baxeen waxaa la sheegay inay dib u qabsadeen Al-Shabaab, taas oo walaac ku abuurtay qorshaha bixitaanka ATIMIS.

Sidoo kale Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in Soomaaliya uu ka jiro walaac caalami ah oo la xiriira bixitaanka ATMIS, wuxuu sheegay in shaqaalaha Qaramada Midoobey ee Muqdisho la dhimay, isla markaana ay korortay cabsida laga qabo argagixisada.

Jubbaland waxay qabtaa in ciidanka ATMIS si toos ah loogu kordhiyo waqtiga ay sii joogayaan Soomaaliya, si dowladu ay fursad ugu hesho dagaalka ay kula jirto kooxda oo bixitaanka ATMIS aysan uga walwalin.

Sidoo kale Maxamuud Sayid Aadan wuxuu sheegay in hadda uu Gedo ka wado abaabulka maleeshiyaadka beelaha si dagaalka wajiga labaad uu Jubbaland uga bilowdo.

Arrimaha doorashooyinka dowlad goboleedyada oo hadda isku soo aaday ayuu sheegay inay caqabd ku noqon karaan qorshaha dagaalka ee dowladda dhexe, markii laga soot ago bixitaanka ATMIS oo iyadu walwal badan ku heysa dowladda, sida uu sheegay Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland.

Ad
Previous articleIsxaaq Aadan Shuceyb (Cumraani) oo Mudo kadib Isoo Gacan Galay Ciidanka Dowlada(Sawiro)
Next articleDiyaaradaha Dagaalka oo Duqayn Culus Goordhow ka Fuliyay Shabeeloow iyo Ciidamada Galmudug oo khasaaro kasoo Gaaray Duqaymahaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here