Home Wararka Maanta Israil oo Duqayn ku laysay Falastiniyiin Qax Ku Jiray

Israil oo Duqayn ku laysay Falastiniyiin Qax Ku Jiray

0

Xafiiska Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyey duqeyn ciidamada Israel la beegsadeen dad rayid ah oo isku dayayay inay u qaxaan koonfurta Qaza.

Afhayeenka Xafiiska Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay Ravina Shamdasani ayaa ku boorisay ciidamada Israel inay ka fogaadaan duqeymaha cirka, aan loo meel dayin iyo inay taxadaraan si looga fogaado luminta nolosha rayidka, dhaawacyada

Waxay sheegtay in kuwa ay u suurtagashay in ay qaxaan ay hadda ku go’doonsan yihiin koonfurta Gaza aysan heysan hoy, cunto, biyo, fayadhowr iyo dawo.

“Wararka naxdinta leh ee sheegaya in dadka rayidka ah ee isku dayaya inay u guuraan koonfurta Gaza lagu dhuftay laguna dilay hub qarxa, waa in si madax-banaan oo qoto dheer loo baaro sida dhammaan eedeymaha xadgudubyada halista ah ee sharciga caalamiga ah,” ayay tiri.

Shamdasani waxa kale oo ay ku celisay baaqii ka soo baxay xafiiska Wakiilka Sare ee Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha ee kooxaha hubaysan ee Falastiin “in ay si degdeg ah oo shuruud la’aan ah u sii daayaan dhammaan la haystayaasha rayidka ah iyo in la joojiyo adeegsiga gantaallada aan kala sooc lahayn ee ka dhanka ah Israa’iil.

Ugu yaraan 30 qof ayaa dhintay tiro intaas ka badana wey dhaawacmeen ka dib markii dayuuradaha Israel ay duqeyeen qoysas la socday gaadiid oo ka qaxayey woqooyiga Gaza oo ay horey u amartay in laga baxo kuna jeeday Koonfurta.

Ad
Previous articleMadixii Jabhadaha Alshabaab ee qaabilsanaa degmada Galcada Deeganada BudBud Cowsweyne iyo Masagawaa oo Gacanta Dowlada Soo Galay(Sawiro)
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Dilka Muqdisho loogu gaystay Gudoomiyihii Degmada Aadan Yabaal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here