Home Wararka Maanta Israel oo dib ugu yeeratay safiirkeeda u fadhiyay dal Afrikaan ah oo...

Israel oo dib ugu yeeratay safiirkeeda u fadhiyay dal Afrikaan ah oo Taageeray Falastiin

0

Tallaabadan ayaa waxay daba socotaa “hadalladii ugu dambeeyay ee Koonfur Afrika” ee ka dhanka ahaa Israa’iil, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Lior Haiat ayaa sidaas ku yiri barta X isagoo aan si gaar ah u sheegin waxa ay yihiin hadalladaas.

Koonfur Afrika ayaa si weyn u dhaleeceysay howlgallada ay ciidamada Israa’iil ka wadaan Qasa.

Khumbudzo Ntshavheni ayaa Isniintii waxay ku boorrisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ee (ICC) inay soo saarto amar lagu soo xirayo Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu bartamaha bisha December.

Khumbudzo Ntshavheni oo ah wasiirka madaxtooyada Koonfur Afrika ayaa sheegtay in haddii taas la sameyn waayo ay muujinayso “guuldarrada guud” ee maamulka caalamiga ah.

In Israa’iil ay dib ugu yeerato Safiirkeeda u fadhiya Koonfur Afrika ayaa waxay ku soo beegmaysa wax yar ka hor inta aan Koonfur Afrika lagu qabanin shir-madaxeedka kooxda Brics, oo ay qeyb ka yihiin waddamada Shiinaha iyo Ruushka, oo ku saabsan dagaalka Israa’iil iyo Xamaas.

Kulanka oo uu guddoomin doono madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa la rajeynayaa in laga soo saaro jawaab mid ah oo ku aaddan colaaddaas.

Ad
Previous articleBeesha caalamka o war ka soo saarty xaaladda cakiran ee Puntland ka Taagan
Next articleMaxamed bin Salman oo Canaan kala Duldhacay Israail Caalamkana Baaq Adag Udiray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here