Home Wararka Maanta Beesha caalamka o war ka soo saarty xaaladda cakiran ee Puntland ...

Beesha caalamka o war ka soo saarty xaaladda cakiran ee Puntland ka Taagan

0

War qoraal ah oo ay beesha caalamka soo saareen ayaa lagu sheegay in ay walaac ka qabaan halista ka dhalan karto abaabulka ciidan ee ka socda Garowe.

War saxaafadeedkan oo lagu daabacay barta UNISOM ayaa lagu yiri “Saaxiibbada caalamiga ah waxa ay ka walaacsan yihiin halista xiisado badan oo ay ka mid yihiin abaabulka ciidamada hadda ka socda Garowe.

Joogitaanka ciidamadan ayaa ah mid cabsi gelinaysa dadka shacabka ah, waxaana taasi ay keentay in iskuullada la xiro.”

UNISOM ayaa sidoo kale sheegtay in aysan helin wax cudur daar ah loo heli doono rabshado ka dhaca halkaa.

“Ma jirto wax cudurdaar ah oo loo haysto rabshad ama ciidamo la isugu hanjabaado. Cabashada waa in si nabad ah oo wada hadal lagu dhammeeyaa. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay khilaafkooda ku xalliyaan qaab nabadeed.”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Beesha caalamka ayaa sheegtay in ay si dhow ula socoto xaaladda waxyna ku baaqeen in se degdeg ah loo dejiyo xiisadda.

Ad
Previous articleDal Yurb ku yaalla oo muslimiinta ku nool ugu baaqay in Israa’iil garab istaagaan
Next articleIsrael oo dib ugu yeeratay safiirkeeda u fadhiyay dal Afrikaan ah oo Taageeray Falastiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here