Home Wararka Maanta Israa’iil oo micno la’aan ku tilmaantay Qaraar ka soo baxay Qaramada Midoobey

Israa’iil oo micno la’aan ku tilmaantay Qaraar ka soo baxay Qaramada Midoobey

0

Iyadoo Golaha ammaanka ee Qaramada Midooeby ay meel mariyeen qaraar la xiriira heshiis bini,aadatinimo si dadka Qasa gargaar loo gaarsiiyo ayaa durba waxaa muuqata in Israa’iil ay arrintaa ka hor timid.

Waxaa u codeeyay 12 xubnood oo golaha ka mid ah, waxaana ka aamusay Maraykanka, UK iyo Ruushka.

Safiirka Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay, Gilad Erdan, ayaa sheegay in qaraarku “uu yahay mid xaqiiqada ka fog oo aan macno lahayn”.

Waxa uu sheegay in Israa’iil ay sii wadi doonto ku dhaqanka sharciga caalamiga ah, waxa uuna dhaleeceeyay mooshinkan ka dhanka ah in aan lagu xusin weerarkii Xamaas ay Israa’iil ku qaadday 7-dii Okoobar.

Dhankeeda danjiraha Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobay, Linda Thomas-Greenfield, ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay in dhowr xubnood oo golaha ka tirsan aysan weli cambaareyn weerarkii Xamaas ay ku qaadday Israa’iil.

Baarlamaanka Dalka Soomaaliya oo meel mariyay labo Hindise sharciyeed

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta labo hindise sharciyeed oo muhiimad si aqlabiyad ah u meel mariyay kadib markii golaha shacabka ku yeesheen kalfadhiga lixaad kulankiisa lixaad oo uu shir

Wararkii Ugu Danbeeyay Dagaalka ka Socda Dalka Suuriya

Mid ka mid ah kormeerayaasha dagaalka Suuriya ayaa sheegay in iska hor imaad labo maalmood socday oo u dhaxeeyay ciidamada ammaanka Suuriya iyo rag hubeysan oo daacad u ah madaxweynihii

Dowlada oo Ciidan Dheeri ah u dirtay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa deegaanka Cadaan Laxeey oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe geysay ciidamo dheeraad ah oo ka qeyb qaadanaya howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Deegaankaan ciidamada dheeraad

Shirkadda Dayaaradaha ee Turkish Airlines oo hakisay Duulimaadyadii Muqdisho

Shirkadda dayaaradaha ee Turkish Airlines ayaa hakisay duullimaadyadeeedi caalamiga ee ay ku imaanaysay magaalada muqdisho muddo maalmo ah. Ma cadda sababta ay shirkaddu u joojisay duullimaadyadeeda, hase yeeshee wararku waxay

Khudbadii Madaxweyne Donald Trump ee aqalka Congreska iyo Waxyaabihii uu kaga hadlay

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisii ugu horreysay ee Congress-ka xilligii labaad ee madaxweynaha ku bilaabay isagoo ku dhawaaqay, “Ameerika way soo laabatay.” “Lix toddobaad ka hor, waxaan hor istaagay
Ad
Previous articleXarun ay Lahayd Shirkada Hormuud oo Goordhow Qarax Culus lagu Weeraray
Next articlesharciga cusub ee Koofur Afrika Soomaalida ma u ogolaan doonaa inay dukaamo furtaan?