Home Wararka Maanta Israa’iil oo Dowladda Masar ku wareejisay meydka Mohammed Salah oo ay dileen

Israa’iil oo Dowladda Masar ku wareejisay meydka Mohammed Salah oo ay dileen

0

Ciidamada Israa’iil ee jooga xadka dalka Masar ayaa toogtay askari katirsanaa ciidamada booliiska dalka Masar ,kaddib markii askarigan uu toogtay saddex askari oo katirsanaa ciidamada ilaalada xuduudaha ee Israa’iil.

 Askariga Masaarida ah ee dilka geestay ayaa lagu magacaabayay Mohammed Salah oo 22 sanno jir ahaa,waxa uuna askariga toogtay saddex askari, waxaana isna rasaas culus huwiyay oo isla goobtaasi ku dilay ciidamada Yahuuda.

War kasoo baxay dowladda Masar ayaa lagu sheegay askariga booliiska katirsanaa uu  u tallaabay dhinaca xadka Israa’iil, isagoo eryanaya mukhalasiinta daroogada, taasoo keentay inay rasaas isweydaarsadaan askarta Israa’iil.

Maamulka Israa’iil ayaa weerarka lagu toogtay askartooda ku tilmaantay mid argagaxiso, waxa ayna dowladda Masar ugu baaqeen in toogashadan askarigooda geestay lagu sameeyo baaritaano wadajir ah .

Ad
Previous articleHowlgal Culus oo Alshabaab Badan lagu Dilay oo Ka dhacay Shabeelada Hoose
Next articleQaraxyo ismiidaamin ah oo lagu weeraray xerada ciidanka ATMIS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here