Home Wararka Maanta Howlgal Culus oo Alshabaab Badan lagu Dilay oo Ka dhacay Shabeelada Hoose

Howlgal Culus oo Alshabaab Badan lagu Dilay oo Ka dhacay Shabeelada Hoose

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal culus oo maanta ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka sameeyeen gudaha deegaanka Baladul Amiin oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa si wadajir ah u sameeyay ciidamada Xoogga dalka Soomaaloiyeed, kuwa NISA iyo sidoo kale saaxibada caalamiga ah.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in howlgalkan lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo isku uruursanayay halkaasi, isla-markaana qorsheynayay inay weeraro soo qaadaan.

“Waqtigan aan idinla hadleyno wuxuu howlgal ka socdaa meesha la yiraahod Baladul Amiin oo gobolka Shabeelaha Hoose ka tirsan, halkaas oo ay Khawaarijta isku dayayaan inay weeraro ka fuliyaan, iskuna aruursanayeen, balse ay ka war heleen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saaxibada caalamiga,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyay in howlgalkan lagu dilay ugu yaraan 20 ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, welina uu socdo, sida uu hadalka u dhigay.

“Inta naloo soo xaqiijiyay waxaa howlgalkan lagu dilay illaa labaatameeyo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab, wixii dheeraad ah waa idinla socod siin doonaa” ayuu raaciyay.

Dhanka kale, wasiirka oo soo saaray warbixinta todobaadlaha ah ee dowladda ayaa shaaca ka qaaday inuu bilaabanayo wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, isla-markaana ay ka qayb qaadanayaan waddada dariska, gaar ahaan Jabuuti, Kenya iyo sidoo kale Itoobiya.

“Waxaa xusid mudan in waddamada dariska ah ee qatarta Khawaarijta nala dareemaya ay iyaguna qayb ka yihiin howlgalkan” ayuu mar kale yiri wasiir Daa’uud Aweys.

Wasiirka ayaa intaasi kusii daray “Haddii Soomaaliya laga suuliyo Khawaarijinta waxaa dhici kara inay u gudbaan waddamada dariska ah, waxaana kamida Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya.

Ad
Previous articleWAR DEG DEG AH: Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka Galmudug oo Laga Mamnuucay Fadhiyada baarlamaanka Mushaarkiina Laga Jartay
Next articleIsraa’iil oo Dowladda Masar ku wareejisay meydka Mohammed Salah oo ay dileen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here