Home Wararka Maanta Ismaaciil Xaniyeh oo Gaaray magaalada Tehran ee Wadanka iiraan

Ismaaciil Xaniyeh oo Gaaray magaalada Tehran ee Wadanka iiraan

0

Madaxa siyaasadda u qaabilsan ururka reer Falastiib ee Xamaas Ismaaciil Xaniyeh ayaa booqasho aan horey loo shaacin ku tagay magaalada Tehran ee caasimadda dalka Iran, waxa uuna la kulmay madaxda ugu sareysa dalkaasi.

Ismaaciil Xaniyeh ayaa tagay magaalada Tehran shalay oo Sabti ah, waxa uuna kulan gaar ah la qaatay madax sare oo katirsan dalka Iran uu ku jiro hogaamiyaha sare ee kacaanka dalka Iran Ayatullah Cali Khamenei.

Labada dhinac ayaa kawada hadlay xaalada ka taagan magaalada Gaza iyo dagaalka u dhaxeeya xoogaga wax iska caabinta ee Xamaas iyo ciidamada gumeysi doonka ee yahuuda Isreal.

Hoggaanka sare ee Iran ayaana garab istaag iyo taageero u muujiyay ururka Xamaas ee dagaalka kula jira ciidamada Isreal, waxa ayna Iran boggaadisay sida kooxda Xamaas isaga difaacanayaan duullaanka Isreal.

Ad
Previous articleRoobab ma hiigaan Ah oo ka Da,ay Magaalada Gaalkacyo iyo khasaaro Xoogan oo Ka dhashay
Next articleDowlada Soomaaliya oo ka Hadashay Dagaalkii ka Dhacay Garoonka Jowhar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here