Home Wararka Somaliya Isbedel Lagu sameeyay Taliyaasha saldhigyada Boliiska G/Banaadir

Isbedel Lagu sameeyay Taliyaasha saldhigyada Boliiska G/Banaadir

0

Taliyeyaasha saldhigyada Booliska Wadajir, Howlwadaag, Waaberi, Shibbis iyo Deyniile ayaa xilalkii laga qaaday.

Taliyihii qeybta Galbeed Xundubey ayaa xilkii laga qaaday waxaana lagu beddelay Cali Goof Jooge oo ku sime ka ahaa Howlwadaag, waxaana ku xigeen looga dhigay Daa’uud.

Taliye ku xigeenka qeybta guud Jeego ayaa xilkii laga waaday waxaana lagu beddelay Saciid Baryare oo laga qaaday degmada Wadajir.

Calooley oo laga qaaday Shibbis ayaa loo soo beddelay Waaberi, Najiib oo Deyniile laga qaaday ayaa loo soo beddelay Howlwadaag, halka Farxaan Jaraaye loo dhiibay Wadajir.

Mooshin oo Waaberi laga qaaday, Shuceyb oo Howlwadaag laga qaaday, xundubey oo qeybta Galbeed laga qaaday iyo Jeego oo ku xigeenka qeybta guud laga qaaday ayeysan jirin wax xil ah oo loo magacaabay.

Ad
Previous articleCiidamada XD ee ku sugan Galmudug oo dhaqdhaqaaqyo ka bilaabay Gobalka Mudug
Next articleMusharaxiinta Madaxweynaha oo ka guuray Goobihii ay ka deganaayeen Muqdisho iyo xogo soobaxaya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here