Taliyihii qeybta Galbeed Xundubey ayaa xilkii laga qaaday waxaana lagu beddelay Cali Goof Jooge oo ku sime ka ahaa Howlwadaag, waxaana ku xigeen looga dhigay Daa’uud.
Taliye ku xigeenka qeybta guud Jeego ayaa xilkii laga waaday waxaana lagu beddelay Saciid Baryare oo laga qaaday degmada Wadajir.
Calooley oo laga qaaday Shibbis ayaa loo soo beddelay Waaberi, Najiib oo Deyniile laga qaaday ayaa loo soo beddelay Howlwadaag, halka Farxaan Jaraaye loo dhiibay Wadajir.
Mooshin oo Waaberi laga qaaday, Shuceyb oo Howlwadaag laga qaaday, xundubey oo qeybta Galbeed laga qaaday iyo Jeego oo ku xigeenka qeybta guud laga qaaday ayeysan jirin wax xil ah oo loo magacaabay.
Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay