Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar (Carab) oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka warbixiyay dhacdadii ka dhacday Bakaaraka ee dhalatay laba daq oo soo dumay, kadibna khasaare xoogan.
Afhayeenka ayaa xusay in koormeer kadib maamulka uu qaaday tallaabo deg-deg ah, wuxuuna tilmaamay in falkan loo soo xiray afar Injineer oo dhisay dhismaha soo dumay.
“Waxaa hadda xiran oo gacanta lagu hayaa oo saldhigga Howlwadaag ku xiran 4 Injineer oo labada guri ee dumista bilaabay iyagu dhisay ama gacanta ku haayay” ayuu yiri.
“Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho wuxuu ballan qaadayaa in muwaadin Soomaaliyeed oo naftiisii waayay ama dhiigiisii daatay inaan la’isaga hari doonin dhiigiisa qaabka uu ku daatay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay afhayeenka gobolka.
Ugu yaraan waxaa goobta ku dhintay saddex qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale, sida ay xaqiijiyeen shaqaalaha gurmadka deg-degga ah ee goobta gaaray.
Ma’aha dhacdadii ugu horreysay ee ka dhalata dhisme soo dumay, isla-markaana ay waxyeelo kasoo gaarto dad isku qoys ah, waxaana ugu dambeeyay afartii Carrruurta aheyd ee dhowaan ku geeriyootay dabaqii kusoo dumay gudaha degmada Shangaani.