Home Wararka Somaliya Puntland Ingiriiska Oo Ka Hadlay Kulan Safiirkooda Uu Madaxweyne Deni Kula Yeeshay Garoowe

Ingiriiska Oo Ka Hadlay Kulan Safiirkooda Uu Madaxweyne Deni Kula Yeeshay Garoowe

0

Howlgalka dawladda Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa sheegtay in safiirka UK ee Soomaaliya, safar uu ku tagay Puntland uu kala hadlay Madaxweynaha Puntland, sadex qodob oo ay ka mid yihiin

1- Iskaashiga ama wada shaqeynta Puntland & UK, sidii kor loogu qaadi lahaa, iyadoo ay PL horey u dalabtay in si gaar ah ay ula macaamisho beesha Caalamka.

2- Muhiimada ay leedahay in laga wada hadlo arrimaha muhiimka ah ee khilaafku kataagan yahay, gaar ahaana dibu eegista dastuurka DFS, oo ay PL diidan tahay nidaamka ay u martay madaxtooyada Soomaaliya, xili wakiilada caalamiga ah ee loo yaqaano C6+ oo ay UK ka mid tahay, ay ku cadaadinayaan 2da dhinac in ay wada hadal siyaasadeed yeeshaan.

3- Sida ay UK gacan uga geysan karto kobaca dhaqaalaha ee mandiqada Puntland, tan waxay qeyb ka ahayd dalabka PL ee ah in mashaariicaha horumarinta gaar dhankooda loo siiyo, xili uusan xariir kala dhaxeynin DFS.

 

Ad
Previous articleFalal Layaab leh oo Malmahaan Danbe kusoo Kordhay Magaalada Gaalkacyo
Next articleDowladda Azerbaijan oo ku dhawaaqday in deeq Waxbarasho siineyso ardayda Soomaaliyeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here