Home Wararka Maanta Dowladda Azerbaijan oo ku dhawaaqday in deeq Waxbarasho siineyso ardayda Soomaaliyeed

Dowladda Azerbaijan oo ku dhawaaqday in deeq Waxbarasho siineyso ardayda Soomaaliyeed

0

Magaalada Banjul ee caasimadda dalka Gambia, waxaa kulan duceed ku yeeshay Ra’isul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Azerbaijan, Jehun Bayramov.

Kulanka labada masuul yeesheen ayaa looga wada hadlay inta badan xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dal iyo sidoo kale in ay yeeshaan Soomaaliya iyo Azerbaijan iskaashi cusub oo dhinacyo badan leh.

Sidoo kale kulanka ayaa lafa-guray in labada dal iskaashi iyo mowqif mideysan ka yeeshaan arrimaha shirarka caalamka, xoojinta iyo horumarinta danaha wadajirka ee labada dal ee khuseeya ganacsiga, dhaqaalaha, tamarta iyo iskaashiga aadminimo.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Azerbaijan ayaa ballanqaad la xariira in deeqo waxbarasho siinayaan ardayda Soomaaliya la wadaagay Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya oo dhankiisa uga mahadceliyay deeqdaasi.

Ad
Previous articleIngiriiska Oo Ka Hadlay Kulan Safiirkooda Uu Madaxweyne Deni Kula Yeeshay Garoowe
Next articleSenator Maryan: Madaxweynaha Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamza waxaan ugu baaqayaa inay qubuuraha Eebe dartiisa ugu xishoodaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here