Home Wararka Somaliya Imraadka Carabta oo gargaar soo gaarsiinaysa Somaliya

Imraadka Carabta oo gargaar soo gaarsiinaysa Somaliya

0

Ururka Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta ayaa sheegay inay bilaabayaan Duullimaadyo dhanka Hawada ah oo Somaliya lagu soo gaarsiin doono Gargaar Biniadanimo.

Xoghayaha Guud ee Ururka Bisha Cas ee dalkaasi, Dr. Maxamed Catiiq  Al-Falaxi ayaa sheegay inay u soo dirayaan  4 Diyaarado wada Gargaar, si wax looga qabto guud ahaan Xaalladda  Bani’aadanimo ee Somalia ka jirta.

Waxa uu xusay in Barnaamijka Gargaarka Aadminimada qeyb ka yahay dadaalka socda ee wax looga qabanayo dhibaatada Aadminimo ee Somalia iyo xoojinta awoodda kuwa ay waxyeelladu ka soo gaartay xaalladda Aadmino ee Somalia.

Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee Ururka Bisha Cas ee dalka Imaaraadka, Dr. Maxamed Catiiq  Al-Falaxi waxa uu tilmaamay inay Imaaraadka garab taagan yihiin Walaalaha Soomaalida ee ku daruufaysan guud ahaan Somalia.

War qoraal oo ka soo baxay Xafiiska  Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Imaaraadka ku leedahay Somalia waxa lagu qeexay in Gargaarka ku soo fool leh Somalia la gaarsiin doono dadka Barakacayaasha ee ku nool Jubbaland, Puntland iyo Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee,  Diyaaradaha wada Shixnadaha Gargaarka ee ay Imaraadka u soo dirayaan Somalia ayaa la filayaa inay Somalia soo gaaraan Ka hor Bilashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo ay inaga xigto dhowr maalmood.

Waxaa Turjumay Ustaad Nuuradiin.

Ad
Previous articlePuntland oo ujawaabtay Dowladda waxayna sheegtay in Muuqaalka Dubbe Horay Loo duubay
Next articleDhegayso Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo sheegay in Dani iyo Axmed Madoobe in badan Loo Tanasulay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here