Home Wararka Maanta Imise Lacag ah ayaa Israail uga Baxday Wewrarkii Uga Yimid Iiraan?

Imise Lacag ah ayaa Israail uga Baxday Wewrarkii Uga Yimid Iiraan?

0

Xalay waxay Israel u ahayd habeen dhiillaysan, iyadoo ay ku hoobteen boqolaal diyaaradaha droneska iyo gantaalada balaastikada iyo kuwa Cruise Missiles oo ay ciiddanka ilaalada Kacaanka Iran iyo isbahaysigooda ku beegsadeen gudaha Israel.

Difaaca maamulka Israel waxay xalay ku kharash gareeyeen iska difaacida duqeymaha ciidamada Iran in ka badan 1.3 Billion ko Dollar, sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay bogga Telefishinka Channel 12.

Kharashkaasi waxaa lagu bixiyey dhidaalka diyaaradaha dagaalka Israel iyo nidaamyada difaaca hawada sare, kuwa lidka diyaaradaha iyo qalab kale.

Gantaalladaasi ka hortago gantaalada balaastikada ee difaaca Israel ee lagu magacaabo Arrow 3 Hypersonic Anti-ballistic missiles ayaa waxaa halkii gantaal qiimihiisa u dhexeeya 5 million ilaa 20 million oo dollar.

Dhanka kale, Telefishinka Channel 12 ee Israel waxa uu sheegay in dhammaan diyaaradaha dagaalka Israel xalay la wada kiciyey oo ay hawada ku jireen, si ay uga badbaadaan boqolaalkii darooniska iyo gantaalada ay ciiddanka Iran ku soo hogaamiyeen bartilmaameedyada milliteriga Israel, gaar ahaan saldhigyada ciiddanka cirka.

Ilo-wareedyo ayaa xaqiijiyey in ugu yaraan 15 gantaalada balaastikada Iran ku hoobteen saldhiga ciiddanka cirka Israel ee lagu magacaabo Nevatim air base, kaasi oo ku yaalla gobalka Negav ee lama-degaanka.

Saldhigaasi oo hoy u ah diyaaradaha dagaalka Israel ee noocoodu yahay F-35 ayaa waxa uu masaafo ahaan 1,100 KM dhanka Galbeed kaga toosan yahay Xuduudaha Galbeed ee dalka Iran.

Ad
Previous articleFaahfaahin Israa’iil oo qaadeysa Weerar aargudasho ah iyo Wasiiradda Dagaalka oo go’aan gaaray
Next articleCiidamada Macawislayda oo Alshabaab Is aruursanaayay Ka Dul Dhacay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here